Maxay ka wada-hadleen Guddoomiye Sanyare iyo Madaxa WFP ? (Sawirro)

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa kulan la qaatay Madaxa Cusub ee Xafiiska WFP ee Somaliya El-Khadir Doloum.

Kulankan ayaa waxaa qayb ka ahaa madaxa Xafiiska WFP Gaalkacyo Lakule Ladowani, Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa warbixin ka dhagaystay Madaxa Xafiiska WFP Somalia Shaqooyinka u hirgalay iyo kuwa dhawaan ay ka qabanayaan Magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug isagoona Gudoomiyaha uga mahadceliyey Shaqooyinka Dowladda Puntland ay ka qabatay Gaalkacyo iyo dibu dajintii ay usameeyeen shacabkii laascaano laga soo barakiciyey.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa yiri “ ku soodhawoow Magaalada Gaalkacyo, waan idinkaga mahadcelinayaa sida aan wada shaqaynta dhow uleenahay, sidoo kalena waxaan idinku bogaadinayaa waxtarka leh ee ay ka qabtaan Puntland gaar ahaan Gobolka Mudug.

Idilnews