VIDEO: Galmudug oo hubka ka mamnuucday magaalada Guriceel

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ka Wasaarad ahaan ay diyaariyeen laba Kooxood oo suga amniga Goobihii lagu dagaalamay ee Guriceel, sidoo kalena baaritaano ku sameeya.

Wasiiru dowlaha oo Warbaahinta kula hadlay Guriceel ayaa sheegay in guud ahaan amniga Guriceel la xaaiijiyay, isla markaana xilligaan wixii ka dambeeya qof aan Ciidan aheyn aysan hub ku dhex qaadan karin Magaalada.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ay soo saari doonaan Xeer guud ahaan Galmudug hub ka dhigis looga bilaabayo, waxaana uu ugu baaqay Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug inay xeryahooda ku ekaadaan.

Amarkaan kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa kusoo beegmay saacado kadib markii xoogaga Ahlusunna ay isaga baxeen Guriceel kadib dagaalo Afar Maalin oo xiriir ah ka socday.

Idilnews