Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay doorashada 2 Xildhibaan ee cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa hambalyo u diray Mahdi Maxamed Guuleed, iyo Biixi Iimaan Cige oo maanta loo doortay Xildhibaanadii ugu horeeyay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee JFS.

Halkaan hoose ka Akhriso qoraalka Ra’iisul Wasaare Rooble.

Waxaan hambalyo u dirayaa
1. Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo
2. Xildhibaan Biixi IImaan Cige oo maanta loo doortay xubinnimada Golaha Shacabka ee BFS. Waxaan u rajeynayaa in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda cusub ee loo doortay.

Waxaan ku faraxsanahay in doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabku ay maanta si rasmi ah noogu bilaabatay. Waxaan dowlad-goboleedyada ka codsanayaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka, anigoo rajeynaya in howlaha doorashooyinku guul noogu soo dhammaadaan.

Idilnews