Diyaaradaha dagaalka Itoobiya oo Duqeynaya magaalada Adi-hageray

Diyaaradaha dagaalka ee Ciidammada DF Itoobiya ayaa duqeymo cirka ah ka wada magaalada Adi-hageray ee Deegaanka Tigray.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa kusoo warramaysa inay diyaaraduhu si gaar ah u deynayaan saldhig ay leeyihiin Xoogaga TPLF, kuwaas oo dagaal adag kula jira Ciidammada Abiy Ahmed.

Sidoo kale, Waxaa ay sheegeen in lagu burburiyay duqeymahan saldhiga oo ah mid ay TPLF ku tababarto dhalinyarada ku biirta, iyo keyd hubka ah oo ku yaalay.

Idilnews