Simon Mulongo “Aad ayaan ula yaabay ceyrinta sababtoo ah waxaan ogahay..”

Simon Mulongo oo ahaa Ku-xigeenka ergeyga gaarka ah Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankii dawlada Soomaaliya dalka uga caysrisay, waxaana uu sheegay in uusan ogeyn ilaa hadda sababta lagu cayriyay.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in wadada lagu cayriyay ay aheyd mid aan laga bixin wax faahfaahin ah, islamarkaana uu la yaabay.

“aad ayaan ula yaabay ceyrinta sababtoo ah waxaan ogahay inaan sameyn wax khalad ah.” Ayuu yiri Simon.

Waxaa uu sidoo kale intaasi kusii daray “Luuqadda lagu adeegsaday qoraalka diblomaasiyadeed ee dowladda fadeeraalka waxaa ku jira weero aan faah-faahintooda iyo macnahooda aan garaneyn. Ma aqaan wax sabab ah oo aan ogahay in go’aankan loo qaatay. Wax fikir ah kama haysto waxa ay arrintan ku saabsan tahay. Waxaan doonayaa inaan la macaamilo xaqiiqooyin ee ma ahan ku-tiri ku-teyn,”.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay Ku igeenka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo inuu dalka uga baxo muddo todobo cisho ah, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ku guda jiro howlo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo Istiraatiijiyadda Amniga.

Warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia ayaa Persona Non-grata loogu jaray oo ah nin aan dalka laga rabin.

Simon Mulongo oo kasoo jeedda dalka Uganda ayaa ka mid ah xubnaha Midowga ee ka howlgalla Soomaaliya.

Idilnews