Khasaare ka dhashay shil ka dhacay gobalka Karkaar

Saddex gabdhood ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay inta u dhexaysa Dalwayn iyo Jurille. Shilka ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceen laba Gaari oo ah nooca ay Soomaalidu u taqaan Noha iyo Saabuun.

Gabdhaha dhintay laba ka mid ayaa ku sii jeeday magaalada Qardho, halkaa oo la sheegay iney ugu socdeen ka qayb-galka aas loo samaynayay marxuum ay ehel ahaayeen oo xalay geeryooday.

Idilnews