Muxuu yahay qorshaha ku duugan hadalkii maanta ee Af-hayeenka TPLF ?

Getachew Reda, Afhayenka TPLF ayaa maanta sheegay inay wada haddal galayaan,oo ay xabada joojinayaan haddii wadooyinka loo furo ,lagana qaado cunaqabataynta.

Getachew, wuxuu leeyahay TLF wax gaar ah Addiss-Ababa kama rabto, dhawaana waxaa jiray isbahaysi dhexmaray iyaga iyo TPLF oo ku wajahanaa inay qabsadaan caasimada dalka.

Haddaba muxuu noqon karaa haddalkan kasoo yeedhay TPLF?

1) Wuxuu noqon karaa haddal dan gaara laga yeelahay.Xisbiga Barwaaqo haddii wada haddal lagu dhawaaqo oo la galo,dhanka Tplf-na xabad baanu joojin dhahaan,waxay keeni kartaa in kala qaybsanaan timaado(Axmarada iyo Oromada),Axmaradana waxaa ka bilaaban kara dibad baxyo iyo kacdoono Dawladdu taagerro badan ku waydo,waana fursad kale oo laga faa’idaysan karo.

2) In wali wada haddaladii u socday Tplf iyo jabhada OLA ee Oromada aysan dhamaan oo laysku fahmi la’yahay sidii horay loogu socon lahaa,hadalkana uu fariin u dirayo kooxihii ay xullufada ahaayen isagoo leh:”Annagu waxanaga gaar ayaaban u dhamaysan karnaa”.

3) Wuxuu noqon karaa farriin beesha caalamka ku socota.Beesha calaamku hadda meeshii u dambaysay ayay ka maraysaa,Gollaha amniga QM oo ay xilliyadii hore Shiinaha iyo Ruushku Itoobiya ka difaaci jireen,kuna kala kici jiray arrimaha Itoobiya,hadda waxaa laysku raacay in xabada la joojiyo, lana galo wada hadal.

Idilnews