Madaxweynaha Maraykanka oo xilkii ku wareejiyay ku xigeenkiisa

Awoodda Madaxweynaha Maraykanka,waxaa lagu wareejiyay Madaxweyne ku xigeenka Kamal Harris.

Madaxweynaha Maraykanka Biden,ayaa maraya baaris caafimaad oo sanadle ah ,taasoo uu si caadiya usamayn jiray intaan la dooran ka hor.

Xarunta Caafimaadka ee Walter Reed,ayuu ku marayaa baarista Caafimaad Madaxweynaha 79-jirka ah.

Waa wax iska caadi in marka uu marayo baaris Caafimaad Madaxweynaha Maraykanku uu xilka ku wareejiyo ku xigeenkiisa,maadaama loo baahanayo in la suuxiyo.

Jibril Qoobey.