Maxay tahay sababta Kiiska Ikraan Natiijadiisa loosoo dadajiyay?

Sababta Kiiska Ikraan loosoo da dajiyay in lagu dhawaaqo waa in ay Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Farey oo dilka Gabadhaas Villa Somaliya wakiil uga ahaa hada yihiin Musharaxiin Xildhibaan.

Sidoo kalena loo sameeyo Waraaqda Dambi la’aanta ee Musharaxiinta laga rabo,iyadoo Waraaqdaas uu gacantiisa ku qoray Yaasiin farey oo hada ah kusimaha Talyaha Nissa.

Maalmaha soo socda waxaa la magacaabayaa Talyaha cusub ee Nissa.

Farmaajo,ayaa ku dhaganaa Magacaabista Talyaha Nissa ilaa uu ka hubsanayay Kiiska Ikraan in la Masaxo si musharaxnimada Fahad dambi la’aan looga dhigo.

Heshiiska Farmajo iyo Rooble wuxuu u hirgalay siday rabeen indhaha Beesha Hawiye iyo Musharaxiinta iyo Dadka Caamada ah,waxaa lagu mashquuliyay kulanki Garowe ee Axmed Madoobe iyo Deni ku dhex marayay.

Jibril Qoobey.