Puntland iyo Jubbaland ma ku aamini karaan Masiirkooda iyo Amnigooda Farmaajo iyo xulafadiisa?

Doorashada Aqalka Hoose oo ku bilaabatay si aan waafaqsaneyn Xeerarkii iyo heshiisyadii laysku ogaa..

  1. Heshiiskii Doorashada ee 17 September 2020.
  2. Guddiga Doorashooyinka oo si bareer ah u ogolaaday in laga leexdo habraacyadii xulista Ergada, doorka dhaqanka iyo nidaamkii tartamayaasha oo si cad loogu xusay in qof shaqaale ama ciidan ah uusan tartami karin.

Waxaa cadaatay in RW Rooble uu ka leexday dhex-dhexaadnimadii iyo hogaankii Doorashooyinka toosna ula shaqeynayo Farmaajo iyo Olalihiisa.

Waxaa sidoo kale muuqata in Qoor Qoor iyo Laftagareen cabsi ka qabaan qofkale oo Madaxweyne noqda,sidaas Awgeed ay Farmaajo u afduuban yihiin.

Waxaa muuqata in Senator Cabdi Xaashi wiilkiisa iyo Mahdi Guuleed ay afduubeen Doorashadii Somaliland oo si bareer ah suuq madow loogu beddelay.

Maxaa muuqda?

  1. Farmaajo oo ku guuleysta doorasho musuq maasuq ah kaddibna la diido natiijada doorashada.
  2. Doorashada oo qabsoomi weyda kaddib Musuq Maasuqa oo xad dhaaf noqda, weydana kalsoonida shacabka Somaliyed iyo Beesha Caalamka.
  3. Farmajo iyo Xulafadiisa oo hela Mandate ay kula diriraan Puntland, Jubbaland iyo Mucaaradka.

Waxaa su’aal ah Puntland iyo Jubbaland ma ku aamini karaan Masiirkooda iyo Amnigooda Farmaajo iyo xulafadiisa?

Balaayo ka hor tag ayey leedahay?

Jibril Qoobey.