Ugaarsiga Tigreega oo Jig-jiga ka socda iyo Maxaabiis Adis loo qaaday

Diyaarad siday Maxaabiis 20-qof oo shacab Tigree ah,ayaa ka duushay garoonka diyaaradaha ee Garaad Wilwaal Jig-jiga

Goob joogayaal ku sugan garoonka,ayaa warbaahinta uxaqiijiyay in diyaarada ay ku sii jeeday magaalada Addis Ababa, halkaasi oo maamulka Abiy uu ka sameeyay Xabsiyo lagu ciqaabo Shacabka caadiga ah ee Tigreega.

Magaalada Jigjiga,waxaa ku xiran boqolaal Qof oo shacabka caadiga ah ee kasoo jeeda Qowmiyadda Tigreega.

Jibril Qoobey.