Wada xaajood rasmi ah oo laga bilaabay arinka PSF

Arinkii PSF,waxaa galay Isimadii Bari oo uu hogaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse saakay.

Isimadu waxay ka bilaabeen hawsha xarunta PSF,iyagoo kula kulmay Agaasimaha Maxamuud Diyaano iyo Saraakiisha kale.

Wada hadal dheer kadib,Saraakiisha PSF,waxay aqbaleen soo jeedintii Isimada.

Kadib kasoo laabashadii Xarunta PSF,waxaa Isimada ugu yimid Hoyga Boqorka Wasiirada Puntland oo ay ugu tunka waynaayeen,Arimaha Gudaha,Amniga iyo Maaliyada.

Wada xaajood dheer kadib,waxay Isimadu usoo jeediyeen Dowlada Sadex Qodob oo kala ah…

1.In Wada xaajood laga galo arinka PSF.

2.In Ciidamada lakala qaado,laguna soo celiyo jawiga deganaan.

3.In Isimadu noqdaan Dhexdhexaadinta rasmiga ah oo ay bilaabaan Wada xaajood labada dhinac laysku horkeenayo.

Gudiga Dowlada,ayaa si buuxda u aqbalay soo jeedintii Isimada.

Maalmaha soo socda ayay ubadan tahay in wada hadaladu toos ubilowdaan.

Jibril Qoobey.