Sudan oo Ciidamo soo dhoobtay Xuduuda Itoobiya

Suudaan ayaa ciidamo badan soo dhoobtay xadka ay ku muransan yihiin iyaga iyo Itoobiya, iyadoo ku dhawaaqday in ay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta deegaannada lagu muransan yahay, iyadoo ay jirto xiisad ka dhaxaysa Khartoum iyo Addis ababa.

Ciidanka ayaa farriin u diray dadka shacabka ah, iyaga oo u sheegay in ay isdajiyaan oo guryahooda ay nabad ku joogaan.

Sudan ayaa 1-dii Diseembar sheegtay in ciidamadeedu ay gacanta ku dhigeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya oo ku yaal degmada al-Fashaga ka dib markii ay rasaas iswaydaarsadeen labada ciidan.

Arrintaan ayaa timid ka dib markii la sheegay in 21 ka tirsan ciidamada Sudan lagu dilay 30 kalena lagu dhaawacay ka dib dagaal 27-kii November iyaga iyo ciidamada Itoobiya ku dhexmaray deegaanka Birkat Nourain ee ka tirsan degmada al-Fashaga.

Dagaalkan soo cusboonaaday ayaa sababay in hoggaamiyaha militariga Sudan, Gen Abdel-Fattah al-Burhan, uu wacad ku maro in dalkiisu uusan “hal taako” oo dhul ah uga tanaasulayn Itoobiya.