War Murtiyeedka Shirkii 1053-aad ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka (PSC) ee Midowga Afrika

War Murtiyeedka Shirkii 1053-aad ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka (PSC) ee Midowga Afrika (AU) ee la qabtay 7-dii Disembar 2021,ayaa looga hadlay Xaaladda Somaliya iyo xaaladda Howlgalka Midowga Afrika ee Somaliya (@amisomsomalia) Kadib 2021.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa war-murtiyeedka ku sheegay inay ku dhiirri-gelinayaan guddiga doorashadda Federalka (FEIT) inay dedejiyaan qabanqaabada dhammaan doorashooyinka la sugayo muddada loo cayimay.

Hadalkan ayaa daba socda shir ay AUPSC yeesheen 7-dii bishan December kaas oo sidoo kale looga hadlay xaaladda amni ee dalka iyo rajada laga qabo in la helo ciidamo cusub oo beddeli doona AMISOM marka uu dhamaado howlgalkooda.