Maxaan kala soconaa Xiriirka Turkiga iyo Itoobiya?

Ka hor inta uusan billaabanin shirka Turkiga iyo Afrika ee Istanbul, Abiy Axmed ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, sida lagu xaqiijiyay bogga rasmiga ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu ku leeyahay Faceboo.

Xiriirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada waddan waxa uu mar walba ahaa mid sii xoogeysanayay. Wadashaqeynteennu way sii socon doontaa,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Abiy Axmed.

Madaxweynaha Turkiga ayaa dhowr jeer horay u sheegay in waddankiisu uu taageeri doono Itoobiya.

Bishii August ee sanadkan ayuu Abiy Axmed booqasho rasmi ah ku tagay Turkiga, xilligaas oo labada waddan ay kala saxiixdeen heshiisyo wadashaqeyneed oo ay ku jiraan kuwo la xiriira dhinaca difaaca.

Shirkadaha Turkiga ayaa Itoobiya ka sameystay maalgashi ku kacaya $2.5 bilyan oo doolar, sida ay tabisay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu.

Sidoo kale Turkigu,waxuu Itoobiya ka taageeray dagaalka ay kula jiryo Tigreega,iyadoo uu siiyay Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee Drons-ka.