Tirada dhimashada dagaalkii Boosaaso oo korortay

Ugu yaraan 10 qof ayaa dhintay in ka badan 40 kalena waa ku dhaawacmeen dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Boosaaso, sida ay VOA u xaqiijiyeen qaar ka mid ah goobaha caafimaadka ee magaalada, waxaana dadka dhibnta isugu jiraan ciidan iyo rayid.

Gen. Maxamuud Cismaan Diyaano oo xiriir la soo sameeyey VOA ayaa ka warbixiyey xaaladdii dagaalka ee magaaladda Boosaaso maanta ku dhex maray ciidanka uu hurmuudka u yahay iyo kuwa Puntland, wuxuuna faahfaahin ka bixiyey khasaaraha soo gaaray dhinacooda iyo sida uu u arko dagaalka uu la galay ciidamada Puntland ee wakhtiga dheer ay si isku mid ah uga qayb qaadan jireen dagaalka ay kula jireen ururka Al-shabaab.

Gen. Maxamuud ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay dhinacooda uga dhinteen laba askeri, saddex kalana ay uga dhaawacmeen.

Wuxuu kaloo sheegay inay difaac kaga jiraan xaruntooda.

Sababta dhalisay dagaalka ayuu ku sheegay inay ku timid go’doon lagu sameeyey xerada ay deggan yihiin, isla markaana subaxnimadii hore ee saaka lagaga soo qaaday dagaal dhinaca bariga badda, balse ay iska difaaceen, welina ay ku sugan yihiin goobohoodii ay horay u joogeen, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Jawiga magaalada Boosaaso ayaa caaway degan, wallow la maqlayo rasaas goos-goos ah oo xilliyada qaar ka dhacaysa goobihii maanta lagu dagaalamay.

Laamaha Ammniga ee Maamulka Puntland oo ay VOA xiriir la sameeysay ayaysan suurtagelin in ay ka jawaabaan telefoonada.

Lama saadaalin karo sida ay xaaladu noqon doonto, waxaana jirta cabsi weyn oo laga qabo in dagaalku uu mar kale dib u soo cusboonaado maalinimada beri ah.