Cabdixamiid Dirir oo laga dhigtay Aalad Rooble loo isticmaalo

Waa la isticmaalay markii hore oo Rooble,ayaa lagu karbaashay,waxaana laga dhigtay Wadada lasii maray Jeneral Dirir.

Mar labaadna waa la isticmaalay waana lagu Kaarta baxay oo Rooble iyo isagii,ayaa laysku hagaajiyay.

Xoolaha,waxaa jira markii Neef kaligii la kaxaynayo oo uu dhaqaaqi diido mid loogu daro ku hagaajin ama ku kaxayn.

Haatan Jeneralkii awood qaybsiga ku joogay waxuu la mid noqday Neefkaas lagu hagaajinayo Neefka kale.

Waa maqaam daro iyo taariikh fool xun oo Cabdixamiid uqormaysa.