Wararkii ugu danbeeyay Ee Xaalada Muqdisho

Isgoyska Ceelgaabta oo ah halka laga galo Villa Somaliya, waxaa la dhigay Ciidamo ka amar qaata Wasiirka Amniga oo saakay loo diiday in uu galo Madaxtooyada.

Jidadka gudaha villa-da,waxaa lagu gooyey Carro.

Ciidanka Dowladda,ayaa ka gadooday dhacdadii saakay uu Farmaajo ku dhaqaaqay ee uu Rooble kaga hor istaagay in uu Xaafiiskiisa galo.

Dhamaan Talyayaasha Ciidanka marka laga reebo Yaasiin Farey,waxay uyimaadeen Rooble,iyagoo ugalbiyay Xaafiiskiisa.

Mahdi Guuleed oo diidan talaabada Farmaajo,waxuu si dadban uraacay Rooble,isagoo ku gabanaya dhex-dhexaadin Odaytinimo.

Farmaajo, markuu waayay wax tallaabo ka qaada, isagaa tallaabo iska qaaday.

Ha u fahmin in Dad kale tallaabo ka qaaday ee isaga laftiisa,ayaa tallaabo iska qaaday.

Dadka fud-fudud waxyaabaha lagaga badbaado waxaa ka mid ah iska falaadkooda Farmaajo xalay iyo saakay sameeyay.

Inqilaabkii Farmaajo waa fashilmay ee waxa haray,waa in Dalka inta hartay laga badbaadsho.