Maxaa kalifay in uu fashilmo nidaamkii Dimuqraadiyaynta Puntland?

Waa u cadayd in nidaamka Dinuqraadiyaynta Puntland uusan sii soconayn cidii xog ogaal u ahayd sida wax usocdeen.

Markii horeba Deni kaliyaa daacad ka ahaa hirgelinta nidaamkan Dimuqraadiyaynta.

Guuleed oo ahaa Gudoomiyihii shaqada hogaaminayay si cad buu usheegi jiray waxa uu ka shaqaynayo in aysan sax ahayn oo taraga Beeshiisa uu hor istaag ku noqonayo mar ay noqotona uu iskaga hari doono.

Guuleed laba ujeedo,ayuu kalahaa noqoshada Gudoomiyaha Gudiga Doorashada,kuwaas oo kala ah…

B.In uu sumcad ku samaysto oo isku gado.

2.In uu dhaqaale ka sameeyo.

Guuleed,waxaa la xaqiijinayaa ugu yaraan in uu kala haray Doorashadii 3-da Degmo 300$-kun..

Waxaa jirta Shirkad uu heshiis kula galay dhismaha 3-Guri oo deg-deg ah oo durba shaqo bilowday.

Aaran iyo Dimuqraadiyaynta”

Aaran-Shaydaan marba raali kama noqon hirgelinta nidaamkan,balse laba ujeedo ayay lahaayeen oo kala ahaa…

1.In Deni saarka laga tumo oo Ruwaayad loo jilo.

2.In dhaqaalihii ku baxayay tijaabadii 3-da Degmo qaybtooda ay ritaan.

Intaas kadib,waxaa uqorshaysnayd fashilin nidaamkan,iyagoo umaraya 3-jiho oo kala ah…

B.Dagaal Bosaso laga rido oo lagu qaado PSF.

T.Dagaal labaad oo la galiyo Deni marka kan Bosaso laga soo baxo.

J.Gudoomiyaha Gudiga Doorashada oo iscasila.

Deni iyo Dimuqraadiyaynta”

Madaxweyne Deni wax gacanta ugu jiraa majiraan,waxuuna wax ku darsaday Jin aan waxba xeerin.

Eeda tooska ah ee uu ku leeyahay fashilka ku yimid nidaamkii Xisbiyada waa…..

B.Magacaabis la’aanta Maxkamadii Dastuuriga ahayd.

T.Saxiix la’aanta Degmooyinkii tijaabada ahaa.

X.Aqbalaad la’aanta guuldaradii kasoo gaartay 3-da Degmo.

Maanta haduu ku dhaqaaqo buuxinta booska Gudoomiyaha,waxay ku qaadanaysaa Laba bilood oo danbe iyo dhaqaale xoog leh.

Sida muuqata Nidaamkaas waa fashilmay,waana soo xirmay.

Waa dharbaaxadii labaad oo Deni ku dhacda hogaamintiisa marka laga soo tago fashilka Ciidamadii ee dagaalkii Bosaso.