Hub iyo Saanad kale oo Booliska Bosaso gacanta ku dhigeen

Ciidamada Booliiska Gobolka Bari,ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen Gaari lagu soo qariyay Hub iyo saanad sharci-darro ah.

Gaarigan lagu qabtay Hubka,ayaa la sheegay in noociisu yahay Iska-rogo Ciid waday.

Talisku waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaan ku aadan hubkan sida uu kusoo galay magaalada? halka loowaday? Iyo Cida mulkiyadeeda lahayd?

Xogo amaan oo khatar tilmaamaya,ayaa kasoo baxayay Bosaso Maalmahan.