Maxaa u qabsoomay Xukuumada Deni 3-Sano kadib.!?

Madaxweyne Deni 3-Sano iyo dhowr cisho,ayaa ubuux santay Jan.8.2022 oo ku beegan Maanta.

Maxaa u qabsoomay xukuumadii Dani (3-Sano kadib.!?

(1)November 7, 2019 Godumiyihii Baarlmanka Puntland Cabdixakiin (Dhoobe-Dareed),ayuu Qorri iyo Xabad dhiig shacab ku daatay lagu weeraray xaruntii Baaralmaanka Puntland, Gudoomiyihina xilka looga qaday!.

(2) Dec 3. 2020 waxa sifo sharci daro ah looga qaaday xasaanadii 8-Xilidhibaan oo lagu soo eedayay maxaad ula xisaabtamaysaan Mulkiilaha dawlada Xasan Abgaal iyo kooxda dhiig miiratada ah ee Aaran-Jaan!.

(3) Dec 27, 2020 waxaa gabi ahaanba dawladu joojisay Lacagtii shilinka Sh.Somali markii ay ganacstadu ku gacan sayreen cashuurta xad dhaafka ah ee Dowladu ku soo rogtay badeecada dekada ka soo dagta!.

(4) Sep 25, 2019 wafti ka socda Dowllada Imaaraadka Carabta iyo Wasiiro ka tirsan Dowlada Puntlnd ah ku kala saxiixdeen mashruuc ay kula wareegeen gacan ku haynta Garoonka Bosaso.

Halka markii horre shirkadda DP-World kula wareegtay Dekada bosaso!.

(5) May 3, 2019 waxaa weli wax laga qaban dhaawacydii iyo burburkii soo gaaray wadooyinkii hal bowlaha u ah isu socdka Bosaaso ilaa garowe, Garwe ilaa Galkacayo iyo, Buundoyinka ku go’ay roobabkii ka da’ay gobaladda Puntland oo wali taago loo qaadin!.

(6) April 28, 2020 boobkii dhaqaale ee fatahaadii ka dhcday Qardho oo aan wax xisaab celin ah laga soo celin Dadkii musiibadu gaartayna aan dib wax loogu celin lacgtaasna Acount gaara ku dhacday oo Dowladu leedahay!.

(7) Aug 10, 2020 wuxu boobay kuraasta Golaha Aqalka Sare ee Puntland ku leedahay JFS kuwaas oo aan qabiilka kursiga leh talo iyo tusaale midna ku imaan!

(8) November 8, 2021 waxaa xilka laga qaaday taliyihii Booliska Puntland Gen Abdi yare, xilka qadistiisa waxa loo sababeey maxaa dhex dhaxaad ugu noqtay doorkii doorashada (3) degmo ee Golaha Deegaanka!.

(9) January 4, 2022 is casilaada (Guddoomiyihii TPEC) iyo barnaamijkii dimoqraadiyenta Puntland oo dhintay kadib markii uu ka socon wayay Md Dani iyo kooxdiisa dhiig miiratada ah Ee Aaran-Jaan!.

(10) Nov 24 2021 waxaa xilka sifo sharci daro lagagga qaday Mohamud Osman Agaasimaha Hay’ada PSF ee puntladn oo ka soo horjeestay boobka kuraasta Aqalka hoose JFS.

Hambalyo Madaxnwayne.

Waxaa qoray Prof, Diplomacy Suldaan Cabdalle