Faallo:-Madaxweyne is yeel-yeelka iska ilow ee wajah waaqiciga!!

Madaxweyne is yeel-yeelka iska ilow ee wajah waaqiciga.

Dagaal,ayaad la gashay Bahdir-rooble,kaasoo ahaa mid Dhaqan iyo mid Siyaasadeed.

Koofiyadii Dhaqanka Puntland ee Boqorku ugu sareeyay oo lagu karaamayn jiray,ayaad si fudud u damacday in aad uga wareejiso.

Siyaasadii ay hogaanka uhayeen,gaar ahaan Beesha dhexdeeda oo nasiibku kaaga hiiliyay,ayaad uga hari wayday maadaama aad Libintii ka heshay,si hoose,ayaadna ugu sii mashquushay.

Wax kaleba daayee Awoodihii ay Puntland ku dhex haysteen oo ay ku noolaayeen,ayaad uga daba tagtay.

Haatan waa iska kaa dhiciyeen oo burhaantoodii ayay wax kaa tuseen.

Gobolkii Bari oo idil ayay gacantaada si dadban uga saareen,iyagoo ka faa’idaystay fursadaha jiray ee ubadnaa kuwo aad adigu bixisay.

Maanta waxay haystaan Ciidamo Sharciyad haysta,Qalabaysan,Tababaran,garab Sirdoon oo xoog badan leh,Maaliyad leh oo aysan jirin Ciidan ubabac dhgi kara.

Sidoo kale,waxay haystaan Saxiix iyo Gudoon miisaan leh oo ay kugu gowrici karaan.

Madaxweyne aqbal go’aamada ay soo saareen Isimada Bari oo hor fariiso Boqorka una saar Miiska Warqad Cad oo uu ku qorto dalabyadiisa.

Hadaad diido go’aamada Isimada oo aad markale qaadato talada aan waaqiciga ku salaysnayn ee Aaran Shaydaan,waxaad sababaysaa dhawr arimood oo kala ah…

1.Ciidamada Puntland oo markale si ba’an iskugu riiqma.

2.Shacabka Puntland oo Qaxii iyo burburkii ugu xumaa wajaha.

3.Gobolada Bari,Karkaar,Sanaag,Gardafuu iyo Haylaan oo si buuxda gacantaada uga baxa.

4.Puntland oo lagu kala tago si dhamaystiran.

Madaxweyne hogaamin iyo Odaytinimo qaangaar ah muuji oo gadaal udag adoo xeerinaya Qodobadan……

1.Xasiloonida Bulshada Puntland.

2.Midnimada Bulshada Puntland.

3.Awooda Ciidamada Puntland.

4.Maqaamka iyo Magaca Dowladnimo ee Puntland.

5.Midnimada iyo jiritaanka danbe ee Beesha Cismaan Maxamuud oo aad kasoo jeedo Adigu.

Puntland Maanta hogaamintaada yaysan ku kala tagin.

Jibril Qoobey.