Dowladaha Somaliya iyo Ingiriiska oo kawada hadlay xiriirkooda

Dowlada Fadaraalka Somaliya,waxay Dowlada Ingiriiska uga Mahadcelisay garab istaageeda dib udhiska Dowladnimada.

Xiriirka Labada Dal,ayaa lagu amaanay intii uu socday wada hadalka Labada Wasiir.

Dowlada Uk waxay maalin ka hor ugu deeqday Somaliya Abaarta xiligan ka jirta 10-Milyan oo dolar.

Laguma soo qaadin wax mudnaana lama siin soo jeedinta dhawrka Xildhibaan ee Baarlamaanka Ingiriiska ee ku aadan kala jarida Jamhuuriyada Somaliya.

Talaabada uqaaday Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya saakay ayay bogaadiyeen Diblomaasiyiin badan oo Somaliyed,maadaama ay kusoo aaday Olale koox la maalgeliyay ay kawado Baarlamaanka UK oo ka dhan ah Qaranimada Dalka.