Hadalka iyo Ficilka Itoobiya oo iska hor imaanaya

“Ma jiraan wax iska bedelay mawqifkeena. Ma rabno in booqashada Hoggaamiyaha Somaliland xumayso xidhiidhka wanaagsan ee aan la leenahay Jamhuuriyadda Soomaaliya”Ayuu yiri Afhayeenka W.Arimaha Dibada Itoobiya.

Waa hadal khilaafsan ficilka Itoobiya ku kacayso.

Sidee warkeeda loo qaadan karaa,iyadoo si muuqata usamaynaysa ficil khaldan oo bahdil ku ah Midnimada Qaranimada Somaliya.

Hadalkan,waxuu umuuqdaa mid loogu hiilinayo Fahad iyo kooxdiisa oo lagu dajinayo Bulshada Somaliyed.

Dowlada Somaliya,ayaa ku deg-degta khaladaadka Diblomaasi ee Dowladaha kale ka galaan Somaliya,halka Itoobiya oo dhawr jeer si cad ugu xadgudubtay Qaranimada ay indhaha ka xiratay.

Ma noqon doono hadalka kasoo baxay Itoobiya mid lagu sii khaldo shacabka Somaliyed.

Jibril Qoobey.