Itoobiya oo ka hadashay booqashadii Adis Ee Muuse Biixi

Itoobiya ayaa ka hadashay mowqifkeeda ku aaddan Somaliland, kaddib booqasho uu Addis Ababa ku tegey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Dina Mufti afhayeenka Wasaaradda Arrimaha-dibedda Itoobiya oo shir jaraaid uu qabtay arintan uga hadlay wuxuu yiri sidan .

“Arrinta Dawladda federaalka Somalia iyo Somaliland waa arrin maxalli ah, marna ma doonayno inaannu faragelinno. Runtii booqashada uu Addis Ababa ku yimi hoggaamiyaha Somaliland ee aanay Qaramada Midoobay aqoonsanayn marna khatar ma gelinayo xiriirka aanu Soomaaliya la leenahay,Waxaan xoojinaynaa xiriirka aan Somalia la leenahay, mana jiro aqoonsi ajendaha ugu jira Itoobiya “

Dhinaca kalena Dina Mufti afhayeenka Wasaaradda Arrimaha-dibedda Itoobiya ayaa ka hadlay warar sheegayey in Turkigu xirayo Safaaradda uu ku leeyahay Addis Ababa.

Wuxuuna sheegay inaysan arrintaa waxba ka jirin,Lknse Turkigu ay muujiyeen walaac dhanka ammaanka ah ,ayna Dawladda Itoobiya markiiba u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay in ay sugaan ammaanka diblomaasiyiinta Turkiga ee dalkooda jooga.

Xogta | Fana Agency .