Saamaynta arinka Onlf Ee Farmaajo iyo Khayre

Marka la eego go’aanka Dowlada Rooble,waa khaa’inulwadan Khayre ay tahay in Maxkamad loo diro inta danbigaas ku cadaanayana laga reebo Doorashada!!

Khayre oo ahaa Ra’isalwasaarihii Xukuumadii sida aqlabiyada leh ugu codaysay in ONLF ay tahay Urur argagixiso meel uga baxsan karo majirto danbigan,waxuuna mudan yahay in lagula xisaabtamo.

Khayre waa Musharax Madaxweyne oo waliba loo saadaalinayo in uu heli doono Codad door ah.

Sidoo kale sharci ahaan Farmaajo in uu danbiga qayb ku yeelanayo waa su’aal iswaydiin mudan?

Farmaajo waa Madaxweynihii Dalka oo lagu wargelinayay wax walba oo socda,si gaar ahna arinka Qalbidhagax iyo Onlf loola socod siiyay.

Dad badan,ayaa qaba in Farmaajo masuuliyada oo idil leeyahay maqsuudna uu ka ahaa talaabooyinkaa dhacay.

Sidaa daraadeed Farmaajo waa mudan yahay in xeer beegti loo saaro qiimaysa sharci ahaan sida uu ugu yeelan karo danbi.

Onlf iyo Qalbidhagax waxii lagula kacay,waxay ilhaamo iyo barmadow ku ahaayeen Qaranimada iyo Qiyamka Somalinimo.