Mudaharaadyado Dad ku dhinteen oo ka dhacay Sudan

Guddiga dhaqaatiirta ee dalka Sudan ayaa sheegay in laba qof ay geeriyoodeen ka dib markii ay ku dhaawacmeen mudaaharaadyo ka dhacay dalka Sudan oo dhaliyey rabshado u dhaxeeya ciidamada iyo shacabka.

Dibad-baxyada,ayaa qeyb ka ah kacdoon shacabka ay sameynayaan oo looga soo horjeedo xukunka militari ee dalkaas kadib markii la riday dowladdii rayidka aheyd ee dalkaas.

Tobaneeyo qof ayaa illaa hadda ku dhaawacmay ayada oo boqolaal kalena lagu dhaawacay dibad-baxyada oo socda dhowr bil.