Ingiriiska oo Ciidamo dheeraad ah udiraya Ukrain

Britain ayaa sheegtay in ay ka fiirsaneyso qorshe ay ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan NATO ugu direyso qeybo ka mid ah Yurub, taasoo qeyb ka ah qorshe lagu xoojinayo xuduudaha Yurub, isla markaana jawaab u ah ciidamada uu Ruushku geeyay xadka Ukraine.

War kasoo baxay xafiiska Ra’isulwasaare Boris Johnson ayaa lagu sheegay in, in Britain ay ka fakareyso sidi qeybta ugu weyn uguna macquulsan ay ugu yaboohi laheyd xubnaha qeybta ka ah heshiiska difaaca NATO ee dalalka Waqooyiga iyo kuwa Baltiga ee Yurub.

Qorshahan ayaa laba laabi doona tirada ciidanka Ingiriiska isla markaana ogolaanaya in hub dheeraad ah oo kuwa difaaca ah loo diro dalka Estonia.

Ra’isul Wasaare Johnson ayaa sheegay in tallaabadani ay farriin cad u direyso Ruushka isla markaana aysan u dul-qaadan doonin ficilladooda carqaladeynta ah.

Britain ayaa hora yuga digtay in duulaan kasta oo uu Ruushka ku qaado Ukraine, ay uga jawaabi doonaan cuna-qabateyn dhaqaale oo deg deg ah.