Reer Faroole oo ku habsaday dhulka Garoonka Diyaaradaha Garowe

Dhulkii hore loo siiyey shirkadda Shiinayska ah CCECC ee dhistay garoonka Bosaso,ayaa waxaa sheegtay Cabdiraxmaan Faroole iyo wiilashisa.

Arrintan,ayaa soo ifbaxday ka dib markii Dowladda Hoose ee Garowe ay dhex marisay dhulkan oo ku yaala Buurta Wasaaradaha Jid weyn oo ah 30 mitir oo ka imaanaya dhanka Galbeedka una gudbaya Waqooyi Bari.

Khadar Cabdiraxmaan Faroole,ayaa geeyey Ciidan jifidiisa ah (reer Jarafle ah) ka dibna dib u dhisay gidaarkii ay Wadadu martay ee la dumiyey,wuxuu ku andacoonayaa in dhulka uu isagu leeyahay.

Khadar Faroole,ayaa u hanjabey Duqa Magaalada Garowe Axmed Barre.

Dhulkan waxaa hore looga qaaday Dad u badan Beesha Abokor Ciise, gaar ahaan Reer Yoonis.

Dhulkii Aaga Wasaaradaha ee Cabdiraxmaan Faroole uu isku dayey in uu beesha Reer Yoonis ka dhaco waxaa badankiisa beesha dib ugu soo celiyey Dowladii Madaxweyne Abdiweli Gaas.

Dhulkaas,waxaa ka mid Isbitaalka Dr Abuu-shacar oo maanta shaqo caafimaad oo weyn u haya bulshada Puntland.

Beesha reer Yoonis xilligan waxay ka arrinsanaysaa sheegashada reer Faroole.

Madaxweyne Deni,ayaa la aaminsan yahay in uusan ka hadlin doonin arrintan.

Khatarta ugu weyni waxay ka imaan kartaa dadkii dhulkaas laga qaaday oo dib dhulkoodii u sheegta, ka dibna halkaas uu isku dhac ka yimaado.

Todobaad gudihiis waa dhacdadii Labaad oo reer Faroole ay ku carqaladaynayaan Nidaamka iyo horumarka Gobolka.

Jibril Qoobey.