MADAXWEYNE FARMAAJO IYO WAFTI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY DALKA ITOOBIYA

Addis Ababa, Febraayo 04, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, isaga oo halkaas kaga qayb galaya meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika.

Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabadaha kala duwan ee ay qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, ka soo kabashada saamaynta COVID-19, wax ka qabashada fatahaadaha, ka gaashaamashada abaaraha iyo la dagaallanka ayaxa, kuwaas oo ah khataro ay wajahayso Qaaradda Afrika.

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa, waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madaxda kale ka ee ka soo qayb galaysa Shirweynahan Midowga Afrika.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa halkaas soo dhoweyn heerkeedu sarreeyo ugu sameeyey Wasiiro kala Duwan oo ka tirsan Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed Safiirkeenna inoo jooga dalka Itoobiya Danjire Abdilahi Ahmed Jamac.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia