Gudiyadii Doorashooyinka Fadaraalka iyo heer D.Goboleed oo Kiradii Guryaha loo haysto

Xilli doorashada Golaha shacbaka ay ka socota Soomaaliya ayaa guddiga doorashooyinka ee heer federaal waxaa ay sheegeen inay haysato cabaqad dhaqaale oo ay la qabaan sidoo kale guddiyada heer maamul goballeed.

Afhayeenka guddiga doorashada ayaa sheegay in muddo sedex bilood ah aysan qaadanin wax mushahaar ah , guddigana uu soo food saaray dahaqaala yaraan baahsan.

Waxaa ay sidoo kale beeniyeen in guddiga guryahooda laga saaray ayna been abuur tahay waraqadda barha bulshadda la kula dhex marayyo ee lagu sheegay in gudiga la siiyay maalmo kooban in ay uga baxaan guryaha ay deggan yihiin.

Guddiga ayaa sheegay in dhaqaalihii loogu tala galay doorashooyinka aan loo helin sidii la rabay isla markaana beesha caalamku ay shuruudo ku xirtay bixinta dhaqaalahaas. Sida uu afhayeeenka guddiga doorashooyinka heer federaal Axmed Aden Dagaal Axmed Safiina oo u waramay BBC Somali

Arrintan ayaa kusoo adeyso iyadoo la qorsheyay in doorashada gollaha shacabka la la soo gabagabeeyo 25-ta bishan Febraayo.