Guushii Senegal oo horseedday fasax Qarameed

Madaxweynaha dalka Senegal Macky Sall ayaa ku dhawaaqay maanta oo Isniin ah maalin fasax ah si uu ugu dabaaldego guushii ay xulka qaranka kubadda cagta ka gaareen koobka qaramada Afrika.

Madaxweynaha oo ku maqnaa dalka dibaddiisa ayaa soo gaabiyay safarkiisa si uu u soo dhaweeyo xiddigaha kubbadda cagta ee qaranka Senegal.

Madaxweyne Sall ayaa salaasada kooxda ku soo dhaweyn doona qasriga madaxtooyada, sida uu sheegay telefishinka dowlada ee RTS TV.

Senegal ayaa ku guuleysatay finalkii ugu horeeyay ee cayaaraha Afcon ka dib laba guuldaro oo hore oo qabsatay sanadahii 2019 iyo 2002.

Axadii ayay dalka Masar ku garaaceen rigoorayaal 4-2 ah taa oo u horseeday guushooda ka dib markii ay ciyaartu ku dhamaatay gool la’aan iyadoo xitaa lagu daray waqtigii dheeriga aha.