Midowga Afrika oo soo magacaabay qof badela mas’uulkii ay dowladda Soomaaliya cayrisay

Midowga Afrika ayaa Soomaaliya u soo magacaabay haweeney beddaleysa Simon Malungo oo ay horey dalka uga ceyrisay dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo ahaa ku xigeenkii wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Somaliya.

Haweeneydan loo soo magacaabay in ay ka shaqeyso Soomaaliya ayaa beddaleyso ku xigeenkii hore ee ergeyga Midowga Afrika, Simon Malungo oo ay Soomaaliya ah dalka saartay, kadib markii bishii November ee sanadkii hore lagu eedeeyey inuu dambiyo waa weyn ka geystay dowladda federaalka Soomaaliya oo uu ku lug yeeshay howlo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM.

Ururka Midowga Afrika ayaa shaaciyey in Marwo Fiona Lortan ay door muhiim ah ka qaadan doonto marxalada kala guurka ah, gaar ahaan sidii ay Somalia ula wareegi laheyd amniga.

Guddiga Midowga Afrika ayaa Ms. Fiona Lortan usoo magacaabay inay noqoto ku xigeenka cusub ee ergayga gaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya & ku xigeenka madaxa ergada.