Deni oo ka baaqday Bosaso una wakiishay Axmed Karaash

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash wuxuu ku sii jeedaa Bosaso.

Qaar ka tirsan Golaha Wasiirada,ayaa hada uga sii hormaray Boosaso.

Sababta waa in Madaxweyne Deni isaga u soo xilaaartay arrimaha Bosaso ka jira oo ay ugu horeeyaan qaban-qaabinta Doorashada 16-ka kursi.

Deni waa baaqday isagoo shirar kula leh Nairobi Xildhibaanada Jubaland ee dhawaan la doortay,musharaxiinta Madaxweyne qaarkood sida Khayre oo Nairobi ku sugan.

Sidoo kale Nayrobi,waxaa ku xanuunsan Madaxweynaha Hooyadii,sida wararku sheegayaan.

Kulamada Nayrobi uu ka wado Deni,waxay ku salaysan yihiin balamo kala qaadasho.

Jibril Qoobey.