Dowlada Fadaraalka oo ka hadashay Geerida Dhalinyarada Somalida

Dowladda Fadaraalka Soomaaliya,ayaa maanta oo Khamiis ah sheegtay in shan ka mid ah 12-kii tahriibayaasha dhawaan qabowga ugu dhintay xadka Turkiga iyo Giriiga ay ahaayeen Soomaali.

Qoraal ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay si weyn uga xumaatay dhacdadaas naxdinta leh, waxyna dalbatay in la sameeyo baaritaan ku aadan dhimashada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Shanta qof ee ku dhintay ee Somaalida ayay dowladdu magacyadooda ku sheegtay:

Cabdi Mahdi Cali oo ka soo jeeday magaalada Muqdisho.

Yaxye Jamaal Muumin oo ka soo jeeda Boorama.

Abuubakar Axmed Ibraahim oo ka soo jeeda magaalada Boorama.

Naasir Suleymaan Xasan oo ka so jeeda magaalada Jigjiga.

Najax Cabdi Axmed oo isna ka soo jeeda magaalada Jigjiga.

“Dowladda federaalka ee Soomaaliya waxay ka dalbaneysaa dalalka ay arrintani khuseysa iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR inay si deg deg ah u sameeyaan baaritaan ku aadan sida ay muwadiniinta Soomaalida ku dhinteen,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda.