Ruushka oo laga yaabo 20-ka Bisha in uu weeraro Ukrain

Ciidamada Ruushka waxa ay diyaar u yihiin inay ku duulaan Ukraine “xiili kasta”, sidaa awgeed waa in muwaadiniinta Maraykanka ay dalkaas uga baxaan 48-da saac ee soo socota, ayay sheegtay xukuumadda Washington.

Duulaanka ayaa ku billaaban kara duqeyn cirka ah, taasoo adkeyn doonta in Ukraine laga samata bixiyo muwaadiniinta Maraykanka, ayuu sheegay Aqalka Cad.

Xukuumadda Moscow ayaa marar badan beenisay inay duulaan ku tahay Ukraine, inkastoo ay ciidan ka badan 100,000 oo askari ay ku daabushay meel u dhaw xuduudda labada dal.

Dalal badan ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda inay ka baxaan Ukraine, waxaana kamid ah UK, Canada, Netherlands, Latvia, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa ku eedaysay dalalka Galbeedka inay faafinayaan macluumaad been ah.

La-taliyaha amniga qaranka ee Maraykanka, Jake Sullivan, ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay hadda diyaar u yihiin “duulaan milateri oo ballaaran” hadalkaas oo u muuqda in Maraykanka uu ka quustay xal laga gaaro xiisadda taagan.

“Ma saadaalin karno mustaqbalka, mana ogin waxa dhici doona, balse khatarta waa mid saraysa, waxaana loo baahan yahay in si degdeg ah ay [muwaadiniinta] uga baxaan dalkaas” ayuu yiri Sullivan.

La-taliyaha ayaa intaa raaciyay in maamulkiisa aanu ka war-qabin in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu gaaray go’aan kama dambeys ah oo ku aaddan duulaanka, balse Aqalka Kremlin uu raadinayo marmarsiyo uu ku billaabo dagaalka.

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, Antony Blinken, ayaa tilmaamay in duulaanka Ruushka uu dhici karo ka hor 20-ka bishan.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in dalkiisa uusan Ukraine u diri doonin ciidan soo badbaadiya muwaadiniinta Maraykanka, haddii uu Ruushka qaado duulaanka.

Jimcihii, Madaxweynaha Maraykanka ayaa kulan qaab muuqaal ah la yeeshay hogaamiyayaasha NATO, waxaana ay isla garteen in cunaqabateyn dhaqaale oo baahsan lagu beegsado Ruushka haddii uu weerarro Ukraine.

Dhanka kale Maraykanka ayaa sheegay in 3,000 oo ciidan dheeraad ah uu u diri doono Poland, kuwaas oo lagu wado inay halkaa gaaraan todobaadka soo socda. Kama dagaallami doonaan Ukraine, balse waxa ay difaaci doonaan dalalka xulafada la ah Maraykanka.

Madaxweyne Biden iyo hogaamiyaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa lagu wadaa in maanta ay telefoonka kula hadlaan Madaxweyne Putin.

Xukuumadda Moscow ayaa dalka Belarus ka bilowday dhoolatus milateri oo ballaaran, iyadoo Ukraine ay ku eedaysay Ruushka inoo ka xiran dhanka badda.

Aqalka Kremlin ayaa sheegay inuu doonayo sameynta “khad cas” oo uu Ruusjka ku xaqiijinayo in dalalka deriska la ah ee ka tirsanaa Midowgii Sofiyeet aanay ku biirin NATO.

Xoghayaha guud ee NATO, Jens Stoltenberg, ayaa sheegay in gaashaanbuurta ay “u mideysan tahay, diyaarna u tahay xaalad kasta”.

Xaaladda ka taagan Ukraine ayaa ku soo beegmaysa sideed sano kadib markii uu Ruushka xoog kula wareegay gobolka Crimea. Tan iyo waagaas, ciidamada Ukraine ayaa dagaal aan dhammaan kula jiray fallaago gacan ka helaysa Ruushka oo ku sugan xuduudda bari.

Ciidamada badda ee Ruushka ayaa Jimcihii dhoolatus ka sameyay Crimea.

Khubarada milateri ayaa tilmaamay in dhoolatuska uu Ruushka ka wado dalka Belarus ay khatar weyn ku tahay caasimadda Kyiv, oo haddii uu dagaal qarxo ay Moscow si sahlan ku weerarri karto magaaladaas xarunta u ah Ukraine.