Ardayda Iskuulka Alfurqaan Badhan oo Shahaadooyin la gudoon siiyay

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo Shahaado sharaf siiyey Arday kamid ah Dugsiga Dugsiga Hoose/ Dhexe Al- Furqaan Badhan.

Maamulka Dugsiga Ayaa ku Maamusay Shahaado Sharaf Tobankii Arday ee ugu Sareeyey imtixaankii Teramka ,Ee Dugsiga Dhexe iyo Dugsiga Hoose .

Waxaana Shahaada Sharafta Gudoonsiiyey Ardayda Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland

Mudane C/laahi Maxamed Xasan .
Waxaana Goob jooog ahaa Maamulka heer gobol iyo heer Degmo iyo Mas’uuliyiin kale.

Xafladda Teramka Kowaad ee Sanad Dugsiyeedka 2021/2022.