Muxuu Deni ka baran karaa Qoor-qoorka Galmudug?

Sawirkan waxuu umuujinayaa Madaxweyne Qoor-qoor hogaamiye miisaan leh oo isku hayn kara Galmudug-ta kala duwan.

Sidoo kale,waxuu ka dhigayaa Qoor-qoor Siyaasi kulmin kara Siyaasado kala fog.

Uhakashada uu mudan yahay,waa in Qoor-qoor hogaaminayo Maamul magac ahaan ujira,balse ficil ahaan aan waxba ahayn.

Fariin,ayuu unoqon karaa Deniga hogaaminaya Maamulka awooda muuqata leh ee soo dhismayay 23-kii sano ee udanbeeyay.

Deni,waxuu ku guulaysan waayay in uu soo saaro 1-Xildhibaan oo ka fikir duwan.

Sidoo kale,waxuu ku fashilmay isku wadida Dadka reer Puntland ee halka Qoys ah kala duwanaanshahooduna aad uyar yahay.

Deni xataa waxuu ku ceeboobay in uu iska xakameeyo kooxda lagu tilmaami karo yabaacda ee Aaran-jaan oo door ku lahaa guushiisii Kursiga Puntland ugu sareeya.