Jadwalka 16-ka Kursi Ee Bosaso la shaaciyay iyo kuwii Garowe oo dib loo dhigay

Gudiga Doorashada Puntland,ayaaa shaaciyay Jadwalka doorashada 16-kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha shacabka ee lagu dooran doono Magaalada Bosaso.

6-dii Kursi ee ka harsanayd Kuraastii lagu dooranayay Garowe oo ay ku jiraan kuwa Beesha Cumar Maxamuud,ayaa dib loo dhigay oo la go’aamiyay in ay noqdaan kuwa ugu danbeeya ee lagu doorto Puntland.

Teendho loogu talagalay in ay ku qabsoonto Doorashada 16-ka Kursi ee Bosaso oo laga dhisayo Gudaha Garoonka Diyaaradaha,ayaa saakay gabagabooysa.

Madaxweyne Deni,waxuu kusii jeedaa Bosaso.

Halkan ka akhriso:-

Jibril Qoobey.