Maxaad kala socotaa weeraradii iyo Qaraxyadii Muqdisho Xalay ka dhacay ?

Ugu yaraan Afar qof oo labo kamid yihiin rayid ayaa lagu dilay weerarro is xigxigay oo xalay saqdii dhexe lagu qaaday, saldhigyo ay fadhiyeen, ciidamada dawladda oo ku yaala xaafadaha kulaala daafaha caasimada Muqdisho.

Sidoo kale labaatan qof oo iyana isugu jira askar iyo rayid ayaa la soo weriyay inay ku dhaawacmeen duulaanka Al-Shabaab sida laga soo xigtay booliska iyo dad goobjoog ah.

Saldhiga xaafadda Kaxda iyo guryaha ku xeeran ayaa iyana waxa gaaray burbur xoog leh kadib markii uu ku qarxay gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gashaanle Cabdifitaax Aden ayaa weriyayaasha u sheegay in dib loo waabiyay, kooxihii abaabulnaa ee weerarka soo qaaday, wuxuna intaa ku daray in la sii baacsanayay illaa gobolka Shabeellada Hoose.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarrada ka dhacay xalay Muqdisho, waxayna intaa ku dareen inay cagta mariyeen dhawr saldhig oo ciidamada dawladdu fadhiyeen, isla markaana ay khasaare laxaad leh gaarsiiyeen ciidamada dawladda.

Halkan ka daawo muuqaalka