Faahfaahin Dilkii Talyaha Ee ka dhacay Saakay Magaalada Beledweyne

Taliyihii saldhigga Booliska Baledweyne Maxamed Xuseyn Maxamuud (Duurdage) ayaa lagu dilay iska hor imaad subixii hore ee maanta gudaha saldhigga Booliska ku dhexmaray ciidamada Booliska gaar ah ee Haramcad iyo Ciidamo kale.

Taliyaha,ayaa lagu dilay israsaaseyn kooban oo gudaha saldhigga ka dhacay xilli ay saldhiga ka buuxeen boqolaal dad oo lagu soo qabqabtay howlgal saaka ay ciidamadu ka sameeyayeen xaafadaha magaalada.

Xog dhab ah lagama hayo sababta keentay iska hormaadka ciidanka dhexmaray.

Iska hor imaadkan,ayaa kusoo beegmay xilli 20-ka bishan loo ballansan yahay doorashada Lix kursi oo ka mid ah kuraasta taalla Baledweyne.