Mahad Salaad oo dib loogu doortay Xildhibaan

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa markii saddexaad saaka ku guuleystay doorashada kursiga HOP147 ee Golaha Shacab Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib doorasho ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul Galmudug.

Waxaa ka tanaasushay doorashada kursigan Shamso Cabdullaahi Maxamed oo Mahad Salaad kula tartameysay doorashada kursigan, iyado qaab gacantaag ah ay ergada doorashada kursigan oo gaareysay 101 ay marii dambee ugu codeeyeen xildhibaan Mahad Salaad.

Hadal kooban oo uu jeediyay doorashada kadib ayuu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay natiijada doorashada, isagoo u mahadceliyay erada iyo guddiga doorashada.

Kursigan ayaa ka mid ahaa kuraasta sida weyn isha looga hayay, iyadoo laba kamid ah musharraxiinta kula loollameysay kursigan ay sheegeen in loo diiday inay ka qeyb galaan tartanka.

Wasiirkii Qorsheynta Galmudug Cabdinaasir Gelle iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir Cali Yare ayaa madaxweynaha Galmudug ku eedeeyay in uu kursigan u xiray xidlhibaan Mahad Salaad.

Madaxtooyada Galmudug kama jawaabin eedeymaha loo jeediyay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor.