Warqadii la beeniyay oo weli kusii jirta Twitter-ka Gudiga Doorashada

Guddiga doorashada heer Fadaraal ee Somaliya,ayaa goor sii horreysay soo dhigay warqad ay ku joojinayaan doorashada HOP#86.

Warqadaas ayay soo dhigeen barahooda Facebook iyo Twitter-ka.

Daqiiqado ka dib, warqaddii waxay ku tilmaameen “been abuur ” waxaana laga saaray bartooda Facebook.

Balse warqaddu weli waxay kusii jirtaa Bartooda kale ee twitter-ka.

Waa dhaqan aan ku wanaagsanayn Gudi looga fadhiyo hufnaan in ay muujiyaan siina luminaya kalsoonidii yarayd ee Bulshadu ku qabtay hanaanka Doorashada.

Dad badan,ayaa qaba in Warqadaad aysan been abuur ahayn,balse ujeedkii laga lahaa uu fuli waayay.