MADAXWEYNAHA JUBALAND OO DAAHFURAY MASHRUUCA DHISMAHA WADOOYIN KA KOOBAN 31KM.

Kismaayo, 23,2,2022-Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta daahfuray mashruuca dhismaha wadooyin laami ah oo ka kooban 31km oo qeybtii ugu horaysay oo ka kooban 8km uu Madaxweynahu maanta dhagax dhigay.

Wadooyinkan ayaa ahaa kuwo mudo soo jiitamayay isla markana daraasayntooda ay wakhti dheer qaadatay iyadoo laga baaran dagayay sida ugu wanaagsan ee loo heli lahaa shirkad tayo leh oo mashruucan fulisa.

Shirkada Chonging Overseas Construction Corporation(COCO) ayaa heshay qandaraaskan oo hadii wajiga hore sidii loogu tala galay ay u fuliso mudnaan gaar ah la siin doono.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa bulshada ugu baaqay inay ilaashadaan mashariicdan oo ah kuwo wakhti dheer laga soo shaqaynayay oo wax weyn ka tari doona bilicda Magaalada.

Waxaa Madaxweynahu uu xusay in la samayn doono mashaariic kale oo baaxad leh isla markana Dowladu ay ku tala jirto in wakhti dhow lagu hirgaliyo mashaariic muhiim ah balse shirkadaha iyo Wasaaradaha Dowladda ee fulinaya looga baahan yahay hufnaan shaqo oo macno leh.

Waxaa munaasabadan Madaxweynaha kala qeybgalay qaar kamid ah golaha wasiirada, maamulka Degmada Kismaayo iyo masuuliyiinta shirkadda fulinaysa mashruucan dhismaha Wadooyinka Magaalada Kismaayo.

                           DHAMMAAAD.