Maxaa looga xaajooday Shirka Golaha Wasiirada Jubaland?

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horayn golaha ayaa si wadajir ah guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida alle ha u naxariistee sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Kismaayo.

Wasaarada amniga ayaa faahfaahin ka bixisay xaalada amniga iyo howlgalada hay’adaha amaanka oo ay kamid yihiin sugida amniga magaalooyinka iyo doorashooyinka, wasaaradu waxaa ay sheegtay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen duleedka Degmada Jamaame lagu dilay lix katirsan kooxaha argagixisada ah sidoo kalana lagu soo qabtay tiro maxaabiis ah.

Sidoo kale golahu wuxuu ansixiyay siyaasada nashqadaynta guryaha Jubaland oo ay kamid yihiin dhismaha guryo tayo leh oo loo dhisayo dadka gudaha ku barakacay iyo dadka kasoo noqonaya xeryaha qoxootiga dhadhaab.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdirashii Maxamed Xidig ayaa golaha usoo bandhigay tijaabada Doog dabiici ah oo lagu beeray gudaha Jubaland oo mudo kooban kusoo bixi kara kadibna la siin karo xoolaha isla markana ganacsato ree Jubaland ah ay leeyahiin fikirkiisa.

                      DHAMMAAAD.