Faafan:-In ka badan 60-kun oo Qoys gurmad loo fidiyay

“Ku dhowaad 60 kun oo qoys oo ah dadka abaartu saamaysay ee ku sugan gobolka Faafan ayaa la gaadhsiiyay raashinka gargaarka ah”, guddoomiyaha guddiga abaaraha heer deegaan ee gobolka Faafan.

Mudane C/qaadir Maxammed Xasan, wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga ahna guddoomiyaha guddiga abaaraha heer deegaan ee gobolka Faafan oo waraysi siiyay war-baahinta Deegaanka ayaa tilmaamay in 58,182 qoys oo ah bulshada abaartu saamaysay ee gobolka la gaadhsiiyay raashinka gargaarka oo qeyb ka ah dadaallada xukuumaddu ugu jirto samata-bixinta bulshada.

Masuulkani waxa uu shaaca ka qaaday in gargaarka dadkan la gaadhsiiyay uu ka kooban yahay noocyada kala duwan ee raashinka sida; bariis dhan 7,829.5 kiish, sonkor dhan 4,049.5 kiish, daqiiq dhan 1,040 kiish, saliid dhan 2,884.8 kaartoon, boorash 616 kiish ah, timir 2,833 kartoon ah iyo lacago caddaan ah.


Guddoomiyaha guddiga abaaraha gobolka Faafan waxa uu intaa ku daray in ay gobolka ka hawlgalaan 32 booyadood oo biya-dhaan bulshada usameeya iyada oo sida oo kalena ay shaqeeyaan 77 ceel oo gobolka ku yaalla.

C/qaadir Maxammed Xasan, guddoomiyaha guddiga abaaraha heer deegaan ee gobolka Faafan waxa uu intaa ku daray in xaaladda abaarta ee gobolku ka sii darayso maaddaama gobolkan ay dool ku yimaaddeen dad ka yimid 7 gobol oo Deegaanka ka mid ah taasina ay sababtay xaaluf daran, balse xukuumaddu qorshe u qaadatay in la sii labo jibbaaro wax-ka-qabashada xaaladda abaarta.

SRTV Somali