Mashruuca Quwada Korontada Dabaysha Ee Somali-Galbeed oo lakicinayo

Mashruuca laga dhalinayo Quwadda layrka Dabaysha ee Ayshica,ayaa 77% boqolkiiba la soo gabo’gabeeyay.

Wafti uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta JDFI dr. Habtamu Itefa,ayaa soo kormeeray mashruuca Quwadda Layrka ee laga dhalinayo Dabaysha ee Ayshica.

Wafdigan oo ay wehelinayeen masuuliyiinta Xafiiska Biyaha DDS ayaa kormeer ku soo sameeyay qeybaha kala duwan ee mashruuca, islamarkaana ka xog-waraystay hawl-wadeennada geeddi-socodka guud ee mashruuca.

Injinneerada gacanta ku haya mashruuca ayaa sheegay in muddo ahba uu mashruucu u hakaday dhinaca miisaaniyadda. Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarka JDFI ayaa sheegay in caqabadaha dhammaantood sida uga dhakhsaha badan loo xallin doono.


Guud ahaan, mashruucan oo ay ku baxayso in ka badan 250 milyan oo doollar ayaa dhalin doona quwad koronto oo dhan 120 meega waat.