Puntland oo shaacisay 16-kii Kursi Ee Bosaso ku mudaysnaa

Guddiga doorashada ee Heer Puntlaand,ayaa sii daayay Jadwalka doorashada 16-ka Kursi ee taala magaalada Boosaaso.

Shaacinta Kuraastan,waxay ka danbaysay kadib markii isimada iyo Madaxweynuhu isku afgarteen kulankii shalay foog ee Madaxtooyada Bosaso.

Waa Kuraastii ugu badnayd ee halmar la shaaciyo loona asteeyo Labo Maalmood oo isku xiga doorashadooda.

Deni oo arimihii uu uyimid Bosaso ay ka mid ahaayeen qabashada Doorashada Kuraastan,ayaa raba in uu mar isdhaafiyo culayskooda kaga imaanaya gudaha iyo dibada.

Isimada,ayuu shalay ka balanqaaday in uu ka talogelin doono Kursi walba Isinka uu khuseeyo.

Waxay umuuqataa in Madaxweyne Deni dhimay Xawaarihii isla qumanaanta kalinimada ee khaldanayd.

Jibril Qoobey.