Gudoomiyaha Gudiga Doorashada heer Fadaraal oo usharax Xildhibaan

Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Fadaraalka Muuse Geelle Faroole,waxuu rabaa in uu qaato Xildhibaanka Beeshiisa Bicidyahan Cali Saleebaan,sida wararku sheegayaan.

Deni,ayaa dabada ka riixaya oo wata sida ilo muhiim ah xaqiijinayaan.

Muuse waa Nin isa suuxiya oo munaafaqad badan in la fahmo jihadiisana ay adag tahay.

Sagaashameedyadii,waxuu dhoofin jiray Xoolaha Dhedig iyo Ugaarta,taasoo maamulkii SSDF ee xiligaas uu amray in toogasho lagu dilo,waxuuna lug ku galay Berbera.

Kadib markii Cabdullaahi Yuusuf qulqulatadu ka qabsatay Bosaso,waxuu ka mid ahaa Dadkii horboodayay ka hor imaadkiisa.

Balse soo laabadkii Cabdullaahi Yuusuf,waxuu hadana ka mid ahaa Dadkii soo dhaweeyay oo soo galbiyay,waxuuna sameeyay dhacdo caan baxday oo ahayd…

(Gaari uu watay,ayuu ka tuuray Tog,kadibna Gacantuu soo duubtay iyo meelo Wajigiisa ka mid ah,waxuuna xoogaa dhex yaacay Dadkii soo dhaweynta waday,kadib,waxuu utagay Cabdullaahi Yuusuf oo uu ku yiri ma iijeedaa soo dhaweyntaada,waxaan ku waayay Gaarigii iyo Lixaadkaygii,Oday Cabdullaahi oo ahaa Nin weyn oo soo jiray,ayaa intuu qoslay,waxuu ku yiri Muuse waxba laguuma haystee Ragaaga dhinac ka raac)

Muuse waa ka xariifsan yahay Deni,waana Ninka la rogi doona Kubada,isagoon dareemin.

Jibril Qoobey.