Madaxweyne xigeenka Puntland oo daahfuray Manhajka Waxbarashada

Garoowe: 28 February 2022 : Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay Manhajka Waxbarashada Dugsiyada Sare ee Puntland.

Manhajkan oo muddo howshiisu socotay waxaa soo diyaarintiisa iska kaashaday wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland , Barayaasha dugsiyada sare iyo Madbacadaha Midoobay.

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in dhamaystirka Manhajkan dugsiyada sare uu tusaale cad u yahay inaynu wax qabsan karno,taasoo muujisay horumarka laga gaaray waxbarashada Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa u mahadceliyay masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada Dowladda Puntland, barayaasha Dugsiyada Sare iyo Madbacadaha Midoobay ee Puntland Shaqada wanaagsan ee ay qabteen ee diyaarinta manhajkan.

Ugu dambayn Madaxwegne ku xigeenka ayaa faray masuuliyiinta wasaaradda inay dedejiyaan dhaqan gelinta manhajkan cusub.